[SAWIRRO] Waddanka Afgaanistaan oo u dabaal degay Baabuurkii koowaad ee lagu Sameeyo Gudaha Dalkaas

Date:

Waddanka Afgaanistaan ayaa u dabaal degay baabuurkii koowaad ee lagu sameeyo gudaha dalkaas kaas oo guul laga gaadhey.

Gaarigan oo ah nooca Ciyaaraha ayaa dhowaan shaaqadiisa la dhammeeyey ka dib shan sano oo hawshiisu socotay.

Waana baabuur midab ahaan madow ah oo ay gacantooda ku sameeyeen farsamo yaqaanno u dhashay dalka Afgaanistaan.

Shaqaalaha baabuurkan sameeyey ayaa la sheegay in aanay wax mushahara qaadan intii ay hawshu socotay.

Xukuumadda Daalibaan ee dalkaas ka talisa ayaa si weyn u boogaadisay kooxdii hawshan qabatay. Iyada oo baabuurkan gardaadin loogu sameeyey jidadka magaalada caasimadda ah ee Kaabul.

Baabuurkan ayaa lagu wadaa in uu ka soo muuqan doono bandhiga baabuurta ee gunaanadka sannadkan ka dhici doona dalka Qatar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...