๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—พ๐—ฑ๐—ฎ๐˜† ๐˜…๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฒ๐—ป๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—น ๐—š๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay deggan yihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka dhowaan ku soo qaatay waddanka Ereteriya.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo la hadlayay ciidanka ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in cadawga Khawaariijta muddo kooban kaga sifayn doonaan goobahaย  kooban ee ay kaga hareen ay dalka, isla markaana uu ku garab siin doono sidii aad u soo celin lahaayeen karaamadii sharaftii iyo cisigii shacabka Soomaaliyeed.

Waa la idin sugayay, laba qolo ayaa idin sugayay; qolo imaashihiini, joogitaankiina iyo sidan aad u diyaarsan tihiin maanta farxad iyo reyn reyn ay u tahay โ€“ waa Shacabkiina, Dalkiina iyo Calankiina, qolona way idin sugeysay laakiin waxay idinku sugeysay, markaad timaadaan inay jabayaan, cabsi, khawf, naxdin iyo walbahaar ayay la il xun yihiin.โ€ ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamse.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhinaca kale waxa uu baaq u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay khaldeen kooxaha Khawaarijta, kuwaasi oo uu sheegay in ay fursad heystaan oo la joogo xilligii ay isku soo dhiibi lahaayeen intii qaban lahaa iyaga oo dambi gacmaha kula jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFSโ€ Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Goโ€™aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,โ€

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...