Madaxweyne Guudlaawe oo Tacsi u diray ciidamadii iyo saraakiishii saaka ku shahiiday weerarkii ay khawaarijtu kusoo qaaday deegaanka Hilowle gaab

Date:

Madaxweynaha Dowladd Gobleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciidamadii iyo saraakiishii saaka ku shahiiday weerarkii ay khawaarijtu kusoo qaaday deegaanka Hilowle gaab ee hoos yimaada degmada Ruunirgood.

Madaxweynaha ayaa xusay in kooxda khawaarijta alshabaab oo saaka weeraro ku biloowday qaraxyo kusoo qaaday fariisimaha Ciidamada iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa deegaanka Hilowle Gaab lagu jabiyay diinlaawe yaasha cadowga ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in la dardargalinayo howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta arxan laawayaasha ah waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybgalaan dhameystirka cadowgaan u tagaan baabi’inta shacabkeenna.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay geesiyaashii naftooda ku waayay difaac dalka dadka iyo diinta inuu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawaca ahna uu Eebbe u boogo dhayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...