Madaxweyne Guudlaawe oo Tacsi u diray ciidamadii iyo saraakiishii saaka ku shahiiday weerarkii ay khawaarijtu kusoo qaaday deegaanka Hilowle gaab

Date:

Madaxweynaha Dowladd Gobleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciidamadii iyo saraakiishii saaka ku shahiiday weerarkii ay khawaarijtu kusoo qaaday deegaanka Hilowle gaab ee hoos yimaada degmada Ruunirgood.

Madaxweynaha ayaa xusay in kooxda khawaarijta alshabaab oo saaka weeraro ku biloowday qaraxyo kusoo qaaday fariisimaha Ciidamada iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa deegaanka Hilowle Gaab lagu jabiyay diinlaawe yaasha cadowga ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in la dardargalinayo howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta arxan laawayaasha ah waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybgalaan dhameystirka cadowgaan u tagaan baabi’inta shacabkeenna.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay geesiyaashii naftooda ku waayay difaac dalka dadka iyo diinta inuu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawaca ahna uu Eebbe u boogo dhayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...