Madaxweyne Qoor Qoor oo ka tacsiyeeyay geerida Suldaan Cabdullaahi Maxamed Salaad

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay umadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Allaha u naxariistee Suldaan Cabdullaahi Maxamed Salaad Ducaale (Suldaan Cabdullaahi feef).

 

Suldaan Cabdullaahi waxaa lagu xasuusan doonaa doorkiisa dhaqanka iyo nabadoonimada ahaa, iyo sidoo kale dhismaha dowladnimada iyo arrimaha dib u heshiisiinta bulshada reer Galmudug.

 

Madaxweynaha, ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada Marxuum Suldaan Cabdullaahi Maxamed, wuxuuna Eebbe uga baryay inuu janadii firdowsa ka waraabiyo Marxuumka, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka iyo qaraabada uu ka baxay.

 

Innaa Lillaahi wa Inaa Ieyhi Raajicuun.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...