Khawaarij oo jab xoogleh lagu gaarsiiyay dagaal ka dhacay Hilowle gaab.

Date:

Kooxaha Khawaarijta ah ayaa saaka Weerar ku soo qaaday deegaanka Hilowle gaab ee gobolka Shabeellada dhexe oo dhawaan cadowga laga xoreeyay waxaana ka dhashay dagaalkaas Khasaare kala duwan.

Qaraxyo ayay Khawaarijtu subaxnimadii ku qadeen magaalada ka dibna waxaa ay is farasaareen xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka oo la socday dhagarta Khawaarijta halkaas oo cashar loogu dhigay waxaana lagaga dilay dagaalka maleyshiyaad aad u badan.

Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow {Axmed Daaci} oo ku sugan deegaanka ayaa u waramay Warbaahinta Qaranka isaga oo sheegay in Khasaare xooggan cadowga lagu gaarsiiyay dagaalka hadana la sii baacsanayo.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in Khawaarij aan laga hari doonin inta laga saarayo dhulka howdka ah ee weerarka ay ka soo qaadeen si mar kale aysan u dhicin in dagaal ay ku qaadaan deegaanada nabadda ah ee laga xoreeyay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaadatay hay’adaha gargaarka iyo Ururrada samafalka gudaha Dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka oo Muqdisho Kusoo Dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabadda.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...