Wasiirka Warfaafinta XFS oo xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka UNDP Soomaaliya

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada ee  Qaramada Midoobay  (UNDP) ee Soomaaliya , Mr Jocelyn Mason.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Wakiilka UNDP uga waramey dardar-gelinta hawlaha wacyigelinta ee wasaaraddu waddo gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, arrimaha bulshada , dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo xasilinta.

Wasiirka ayaa intaa ku darey barnaamij hawleedka wasaaradda ee sannadkan ay ka mid yihiin in shacabka si toos ah oo furan looga warbixiyo waxqabdka dowladda, taasina ay xoojineyso daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Mr Mason, ayaa dhinaciisa bogaadiyay hawlaha baaxadda leh ee Wasaaradda Warfaafinta ay waddo ee dhinaca warbaahinta iyo wacyigelinta, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay barnaamijyada UNDP ay ka taageerto Soomaaliya, gaar ahaanna hawlaha wacyigelinta ee wasaaradda ay waddo. Waxaa uuna ballanqaadey Wakiilka in UNDP ay kaalinteeda kaga aaddan taageerada Soomaaliya sii xoojineyso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...