Dowladda Burkino Faso oo dalka ka ceyrisay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay

Date:

Dowladda Milateriga ah ee Burkina Faso ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku amartay isuduwaha howlaha gargaarka bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay Barbara Manzi inay si deg deg ah dalka uga baxdo, iyadoo aan la sheegin sababta rasmiga ee loo eryay.

Xiriir lala sameeyay, afhayeen u hadlay dowladda isla markiiba ma uusan sheegin sababta ay ugu calaamadisay Manzi, isuduwaha Qaramada Midoobay ee Burkina Faso, “persona non grata” oo ay ka dalbatay inay baxdo Jimcihi ishalay.

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaan isna isla markiiba ka jawaabin codsi ah inuu faahfaahin ka bixiyo ceyrada Manzi.

Burkina Faso oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka ayaa waxaa ka socda kacdoon ay wadaan kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo ISIS, kuwaas oo dilay kumannaan shacab ah, ayna ka abuureen mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee qaaradda sida xawliga ah u sii kordhaya.

Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa barokacay oo degan xeryo cooshado ka sameysan, oo badi ay maamusho Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku yaal baadiyaha oomanaha ah.

Rabshadaha, oo soo jiitamayay muddo ku dhow toddobo sano, ayaa ka dhacaya waqooyiga iyo bariga, taasoo curyaamisay dhaqaalaha maxalliga ah, oo sababay gaajo ballaaran, isla markaana xaddiday helitaanka hay’adaha gargaarka.

Reuters.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...