Itoobiya oo sii daysay lix askari oo Jabuutiyaan ah oo ay afduubteen koox hubaysan

Date:

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay ku guuleysatay in ay si nabad ah ku sii deyso lix ka tirsan Ciidanka Jabuuti oo ay haysteen maleeshiyaadka FRUD, sida ay baahisay warbaahinta Fana (FBC).

War-saxaafadeed uu Arbacadii shalay soo saaray, Ambassador Fesseha Shawel, oo ah Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay ku guuleysatay in ay si nabad ah ku sii deyso lixdan askari.

Askartan ayaa la afduubay 6-dii October xilli ay rag hubaysan weerar ku qaadeen xero ciidan oo ku taal bariga Jabuuti, halkaas oo ay ku dileen 7 askari afar kalena ay ku dhaawaceen.

Kooxda hubaysan ee FRUD, oo xiriir la leh qoomiyada Canfarta, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Kooxdan hubaysan ayaa sannadkii la aasaasay 1991-kii, waxayna ku bilaabatay kacdoon ka dhan ah dawladda Jabuuti, iyagoo ku andacoonaya inay difaacayaan danaha shacabka Canfarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...