Biden oo u ballanqaaday Zelensky inuu garab taagan yahay

Date:

Biden waxa uu Zelensky u sheegay in marnaba uu keli noqon doonin oo uu garab taagan yahay isagoo sidoo kalana u xaqiijiyay inuu siin doono Ukraine gargaar milatari oo dheeraad ah kaas oo u uku kacayo laba bilyan oo doolar.

Dhanka kale madaxweynaha Ukriane ayaa uga mahad celiyay mareykanka sida uu garab istaagay tan iyo markii uu bilwoday weerarka uu Ruusjhka ku qaaday dalkiisa.

Volodymyr Zelensky, ayaa fadhi ay isugu yimaadeen Congress-ka Mareykanka ka sheegay in dagaalka Ukraine uu yahay mid lagu raadinayo xorriyadda adduunka.

Qudbad xamaasad leh oo uu jeediyay ayaa waxa uu uga mahad celiyay taageerada dhaqaale iyo midda ciidanba ee Mareykanka u fidiyay dalkiisa.

Zelensky oo marki ugu horreysay booqasho ku tagay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrrimiyo tan iyo intii ay bilaabatay colaadda Ukraine ayaa wuxuu siyaasiyiinta u sheegay in dadka reer Ukraine ay u dabaaldegi doonaan ciidda Christmas-ka iyadoo ay socdaan weerarada joogtada ah ee Ruushku ku hayo kaabayaasha tamarta ee dalkiisa.

Iyadoo ay jirto walaac laga qabo in xulafada qaar ay dareemaan culeyska iyo dhibaatada ka dhalatay iskahorimaadka iyo carqaladeynta cuntada iyo tamarta adduunka, ayuu madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuu “aad ugu faraxsan yahay” midnimada iyo taageerada Ukraine.

Mr Biden waxa uu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin “uusan wax niyad ah u haynin joojinta dagaalkan naxariis darrada ah”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...