Ra’iisul Wasaaare Hamza oo maanta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirda Tamarta,Arrimaha Dibedda iyo Hey’addo kale

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Jaamac Taqal Cabbaas, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac iyo Guddoomiyaha baanka Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Wasiirada ayaa soo bandhigay qorshe-hawleedka muddeysan ee sanadka cusub 2023 iyo qaababka kala duwan ee loo fulinayo, kuwaasi oo su’aalo muhiim ah ay ka weydiiyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Salah Jama

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe in laga mira dhaliyo ballanqaadka waxqabad iyo qorshooyinka ay soo bandhigeen maanta, isaga oo dhinaca kale ku boorriyay in la xoojiyo wadashaqaynta kala dhaxeysa hey’adaha kale ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo la taaban karo looga gaaro arrimaha horqabadka u leh Xukuumadda #DanQaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Koonfur Afrika Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda...