SAWIRRO] Askar Hore Dil uGeysatay Oo Lagu Toogtay Magaalada Kismaayo

Date:

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay labo Askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay magaalada Kismaayo.

Ragga Qisaasta lagu fuliyay saaka ayaa kala ahaa gacan ku dhiigle Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii dil u gaysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow, Sidoo kale Yuusuf Xuseen Cabdi ayaa isna dilay Marxuum Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli Taariikhdu markay ahayd 17-Nov-2021.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukunka dilka toogashada ah ku dhawaaqday 29-June-2022-ka.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo warbaahinta kula hadlay goobtii qisaasta ay ka dhacday ayaa faahfaahiyay go’aamada kaso baxay maxkamadda.

Labo maalin kahor ayeey ahayd markii sidan oo kale xukun Qisaas ah loogu fuliyay labo askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...