Madaxweynaha Qaranka Oo Madaxtooyada ku qaabilay Sargaal ka Tirsan Golaha sare ee Dalka Sudan.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Sarreeye Guuto Ibraahim Jaabir Ibraahim oo ka tirsan Golaha Sare ee dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Ibraahim farriin iyo dhambaal ku saabsan xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga heer gobol, taas oo uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdulfataax Al-burhaan, iyadoo uu ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed tallaabooyinka wax ku-oolka ah ee ay u qaadeen nabadda, horumarka iyo wadajirka.
Sidoo kale, Dowladda Suudaan oo haatan ah Guddoonka Urur-goboleedka Horumarinta dalalka Bariga Afrika ee IGAD ayaa in ay taageerayaan howlgallada isku-dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaannada ay dadka ku dhibaateynayaan argagixisadu, iyagoo tilmaamay doorka wanaagsan ee ay ka soo qaateen dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey wafdigan booqashada qiimaha badan ee ay ku soo gaareen walaalahooda Soomaaliya, waxa uuna uga warbixiyey guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sida ay u soo dhaweynayso dowladda Soomaaliyeed dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee ka gacan siinaya in Gobolka laga dulqaado argagixisada curyaamisay xasilloonida iyo horumarka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...

Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026. 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...