Ra’iisul Wasaare Hamze oo si xooggan u cambaareeyay Qarax ka dhacay magaalada Istanbul iyo qasaaraha ka dhashay weererkaas oo kordhay

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarka argagixiso ee fulaynimada ah ee lagu qaaday maanta dad rayid ah oo ku nool magaalada Istanbul.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in uu uga tacsiyeynayo shacabka iyo dowladda Türkiye, dadka ku dhintay weerarka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay la murugooneyso, isla markaana ay u duceyneyso dadka wax ku noqday weerarkaasi arxan darrada leh.

Mudane Xamse waxa uu sheegay in argagixisadu nooc walba oo ay tahay, laga adkaan doono

Dhinaca kale Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay 53 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaalada Istanbul, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalka Turkiga.

Qaraxa ayaa ka dhacay waddo laga dukaameysto oo ku taal fagaaraha Taksim, sida uu sheegay barasaabka magaalada Cali Yerlikaya.

Ma cadda waxa sababay qaraxan ay dadka ku dhinteen. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dambiilayaasha la ciqaabi doono.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa ku wareegayay dusha sare iyadoo gawaarida gurmadka degdega ay halkaasi gaareen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...