Waxaa magalada Muqdisho soo gaaray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cade ku soo dhaweeyay Habdhowraha Golaha Shacabka BJFS Xildhbaan Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux, habdhowraha ku-xigeenka 1-aad iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri.
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland ayaa sheegay in maalmaha uu joogo Magaaladda Muqdisho uu ka qeyb gali doono furitaanka Kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka oo loo balan san yahay inuu furmo 15-ka bishan, sidoo kale waxaa Muqdisho ku sugan qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha golayaasha wakiilada ee dowlad goboleedyadda dalka, iyadoo berri la filaayo inta harsan ay soo gaaraan Muqdisho.