Dad rayid ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Magaalo kutaalla waqooyiga Itoobiya

Date:

Dad rayid ah ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay magaalada Mandi ee galbeedka Itoobiya, oo qiyaastii 500km dhanka galbeed ka xigta caasimadda Addis Ababa, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen BBC-da.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqayntu ay maalintii Arbacada ww la soo dhaafay ka dhacday magaalada ay maamulayeen dagaal yahannada Oromada ee (OLA) maalmo un kadib markii ay dagaal la galeen ciidamada amaanka ee dowladda.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa qariyay ayaa BBC-da u sheegay in dowladdu ay bartilmaameedsanayso kooxdaas balse dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badan yihiin dad rayid ah.

Qof kale oo ka mid ah dadka magaalada oo si qarsoodi ah ula hadlay BBC-da si uu ammaankiisa u ilaaliyo ayaa ku sheegay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqeyntaasi ugu yaraan 20 qof.

Waxa uu sheegay in ku dhawaad ​​7 ilaa 8 qof ay isla markiiba dhinteen halka 13 kalena la dhigay isbitaalka oo ay halkaasi ugu geeriyoodeen dhaawacyadii soo gaaray.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...