Soomaali lagu Xiray Dalka Hindiya oo Xabsiyada Laga Sii Daayay.

Date:

Magaaladda Hyderabad ee dalka Hindiya waxaa hawlo shaqo u jooga Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ahna Ku-simaha Safiirka Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur.

Ka dib hawlgallo guud oo ay Ciidanka Booliiska dalka Hindiya ay sameeyeen kuna soo qabteen dadka sharci-darrada ku jooga dalkaas ayaa waxaa lagu soo xiray dad badan oo aajaanib ah kuna jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed.

Danjire C/fitaax ayaa kulamo kala duwan la qaatay hey’adaha Amniga gaar ahaan Booliiska waxaana lagu guuleestay in dib xabsiga looga sii daayo Muwaadiniin Soomaaliyeed , sidoo kale waxaa lagu guuleystay in qaar kale oo ay booliiska ka qaateen baasabooradooda in ay Safaaradda dib ugu celisay gacanta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Hyderabad ayaa isugu jira kuwa u jooga arrimo Caafimaad iyo Arday wax ka barata halkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...