Dowladda Maraykanka oo sheegtya in uu yahay Shiinuhu khatarta ugu sarraysa ee danaha Maraykanka

Date:

PENTAGON – Sida lagu sheegay Qorshaha Difaaca Qaranka ee Maraykanka oo dhowaan la sii daayey, dalka Shiinaha ayaa ah caqabadda ugu sarraysa ee danaha amniga qaranka ee Maraykanka, halka Ruushka lagu tilmaamay in xaaladdiisu ay tahay mid “ba’an”, maadaama uu sii wado dagaalka “axmaqnimada” ah ee uu ka wado dalka Ukraine.

“[Jamhuuriyadda dadka ee Shiinuhu] waa dalka keliya ee tartan xooggan kula jira [Maraykanka], marka la eego hindisaha ah, in dib loo qaabeeyo nidaamka caalamiga ah, iyo iyada oo ay sii kordhayso awoodda uu sidaas ku samayn karo” ayuu yidhi xoghayaha difaaca ee Maraykanku oo khamiistii weriyayaasha kula hadlay Pentagon-ka.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka oo warbaahinta la hadlay, hase ahaatee magaciisa qariyey, ayaa sheegay in awooda Shiinuhu ay sii kordhayso, isaga oo horumariyey nidaam uu kula tartami karo Maraykanka, marka la joogo dalalka caalamka, gaar ahaan dhinaca Milateriga, dhaqaalaha, farsamada casriga ah iyo diblomaasiyadda.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay, in Maraykanku uu dib u casriyeeyey hannaankiisa dagaalka, gaar ahaan dhinaca hawada sare iyo dhinaca internetka, si loogu muujiyo cid kasta oo cadow ah, “dhibaatada uga iman karta haddii ay ku gardarroodaan Maraykanka ama xulafadiisa”

Warbixinta Qorshaha Difaaca Qaranka ee Maraykanka oo ah mid la baahiyey, ayaa ku soo aadaysa xilli Maraykanka iyo Shiinuhu ay ku kala aragti duwan yihiin xaaladaha Taiwan. Shiinaha ayaa marar kala duwan ku hanjabay inuu xoog kula wareegi doono Taiwan haddii ay lagama maarmaan noqoto, sidoo kale Ruushka ayaa isagu weerar toosa ku qaaday Ukraine bishii February, isagoo si joogto ah u duqeynaya magaalooyinka dalkaas oo uu xataa u isticmaalay diyaaro ay samaysay Iran.

Nuqul sir ah oo ka mida warbixinta ayaa loo gudbiyey Congresska horraantii sannadkan.

Sarkaale sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca oo la hadlay weriyeyaasha ayaa sheegay in hubka Nukliyeerku uu sii ahaan doono “udub-dhexaadka” tallaabooyinka ay ciidamada milateriga ee Maraykanku ay u isticmaali doonaan cabsigelinta.

Sida ku cad warbixintan, Maraykanka ayaa haatan waajahaya tartan uga imanaya laba quwadood oo ku hubaysan hubka nukliyeerka, oo kala ah Ruushka iyo Shiinaha.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in gardarrada uu Ruushku ka wado dalka Ukraine, inay abuurtay halis degdeg ah, wuxuuna sheegay in Maraykanku uu kor u qaaday ciidamadii ka joogay qaaradda Yurub, kuwaas oo hore u ahaa 80,000 halka uu haatan gaadhsiiyey 100,000.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran...

Taliyaha Booliiska oo xariga ka jaray Dugsiga Qur’aanka ee Carruurta Agoonta

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ka qeybgalay Barnaamijka Hindisaha Xirfadda Hal-Abuurka Sare

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise...

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii Toddobaadlaha ahaa

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo yeeshay kulankoodii...