Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Muqdisho Kusoo Dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Date:

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa goordhow waxaa uu garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Madaxweyne Laftagareen oo u yimid kaqeybgalka madasha wadatashiga qaran ayaa hadal kooban oo uu soo dhoweynta kadib jeediyey sheegay sida ay maamulkiisa uga go’antahay ladagaalanka Al-shabaab iyo in dadka Soomaaliyeed helaan adeegyo dowladeed.
Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay hortabinaneeda ka mid tahay ladagaalanka Al-shabaab iyo arrimaha xasillinta.
Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa si weyn ugu diyaargarowday soo dhoweynta dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo wufuudooda oo lagu wado in ay soo gaaraan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...