Ra’iisulwasaare Hamse oo qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Wakiilka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay hawlaha xafiiskiisa iyo hey’adaha kale ee Qaramada Midoobay ay ka wadaan dalka gaar ahaan – hawlaha gurmadka abaaraha iyo gacan ka geysashada sidii loo xasillin lahaa, isla markaana samafal iyo adeegyada aasaasiga loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha laga xorreeyay kooxda argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay James hawlihii kala duwanaa ee uu qabtay dalka intii uu joogay.

James oo dhowaan wareejin doona xilka Wakiilka Xoghayaha Guud ayaa kulanka kadib waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu guddoonsiiyay haddiyado kala duwan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...