XFS oo soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda Ka taageera kooxda argagixisada ah Al Shabab

Date:

Muqdisho, 18 October 2022: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda iyo saadka ka taageera kooxda argagixisada ah ee u ooman dhiigga shacabka ee Al Shabab.

Laamaha kala duwan ee dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa la farayaa inay ka fogaadaan la macaamilka iyo wadashaqeynta shakhsiyaadkan dembiileyaasha ah ee ku xusan liiskan cunaqabateynta.

 

Tallaabadan ay xukuumadda Washington qaaddey ayaa ka dhalatey baaritaano ay si wadajir ah u wadeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka, waxayna qeyb ka tahay dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada sida khaldan diinta Islaamka u adeegsaneysa, baneysateyna dhiigga Muslimiinta aan waxba galabsan.

 

Waxaa go’aankan uu sidoo kale ku soo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowaan soo saartey awaamiir loogu digayo cid kasta oo dhaqaale ama lacago u uruurineysa argagixisada.

 

 

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ay daashadeen gabbood-falada ay argagixisada ka wadaan dalka ayaa guulo waaweyn ka soo hoyay dagaalka ay kula jiraan kooxaha arxan-laaweyaasha ah ee diinta Islaamka ku gambaneysa.

 

 

Khasaaraha maliishiyaadka Khawaarijta la gaarsiiyay ayaa isugu jira dhimasho, dhaawac iyo qaar kale oo badan oo isa soo dhiibay ama la qabtey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...