Ra’iisulwasaare Hamza Abdi Barre oo gaaray Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Itoobiya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida.

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka dayaaradaha Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Mustafa Cumar, masuuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka iyo dadweyne aad u fara badan.

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadli doona sidii la isaga kaashan lahaa arrimo dhawr oo muhiim ah oo ay ugu horreyso la dagaallanka argagixisada.

 

Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maalmihii danbe caasimada Dalka Itoobiya ee Addis abba ku joogay Booqasho isaga oo halkaas kula kulmay madax kala duwan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...