Madaxweyne Qoor-qoor oo xarunta Madaxtooyda Galmudug ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Raysal Wasaarihii hore ee XFS, Maxamed Xuseen Rooble

Date:

Madaxwaynaha Dowladd gobaleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Aqalka Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Raysal Wasaarihii hore ee XFS, Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdigaan ballaaran ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, iyadoona wafdigan ay kamid yihiin madaxwaynihii hore ee Galmudug, mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiiro kamid ah XFS, Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee BFS, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Wafdigaan ayaa soo gaaray magaalada Dhusamareeb kadib martiqaad ay ka heleen madaxwaynaha Dowladda Galmudug, iyadoona ujeedada safarka uu salka ku hayo dhiirogelinta iyo dardargelinta howlgallada dalka looga sifeenayo argagixisada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December)...

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane...

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...