Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada oo shir uga furmay Muqdisho

Date:

Muqdisho, October, 16, 2022- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta furay shir labo maalin soconaya oo u dhaxeeya Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad-gobolleeyada Dalka.

Kulanka oo ah midkii u horreeyay oo Wasiir Biixi uu la yeelanayo wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada Dalka ayaa looga hadlayaa qodobbo hortabin u leh Shaqada,Shaqo Abuurka , xirfadaha iyo Arrimaha Bulshada.

“Shirka maanta inoo furmay heer Federaal iyo Dawlad-gobolleedyada ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo heer wasiir ah, ujeeddada aan ka leennahay waa horumarinta bulshada, shaqo abuurka,xirfadaha , siyaasadaha taageeraya dhinacyada iyo mideynta qorshayaasha shaqo,iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta.”ayuu yiri Wasiir Biixi.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ayaa dhankooda soo dhaweeyay shirka , iyagoo boggaadiyay qorshaha Wasiir Biixi ee ku aaddan ka miro-dhalinta siyaasadaha iyo dedaallada taageerraya Shaqo Abuurka, xirfadaha iyo Ilaalinta Bulshada iyo in la mideeyo howlaha shaqo ee wasaaradaha.

Shirkan ayaa warmurtiyeed laga soo saari doonaa , Isniinta berri ah marka la soo gabagabeeyo, iyadoo ay ka qeybgalayaan wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland , Mudane Axmed Maxamed Cali , Wasiirka Shaqada ,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hirshabeelle ,Mudane Maxamed Sheekh Cali Salaad iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed , Mudane Cabdiqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto) .

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...