[DAAWO] Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo booqasho ku tagay xarunta hay’adda ka hortaga tijaabada Nuclear-ka ee ku taal dalka Austria

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho ku tagay xarunta hay’adda ka hortaga tijaabada Nuclear-ka  oo ah hay’ad uu ansixiyay  sanadkii 1996-kii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay islamarkaana xiligaas ay saxiixeen 186-dal,waxaana xiligaas dalalka aan saxiixin ka mid ahaa afar wadan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa xarunta hay’adda ku soo dhoweeyay madaxa ugu sarreeya hay’addaas kaas oo warbixin guud ka siiyay shaqada hay’adda iyo sida ay muhiim u tahay inuu dal walba ka mid noqdo.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa boggaadiyey sida ay u socoto shaqada hay’addaas isla markaana waxa uu sheegay in hay’addan muhiim u tahay badbaadada aduunka iyo ka hor taga waxyeelada nuclear-ka isagoo dhinaca kale tilmaamay muhiimada ay leedahay in laga faa’ideysto shaqooyinka muhiimka ah ee ay hay’addaas qabato.

 

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cusmaan (General ciiroow) oo kamid ah wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ka warbixiyay safarka guddoomiyaha uu ku marayo qaar ma mid ah wadamada qaaradda Yurub.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...