Shirka caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ICAO oo ka furmay Montreal. (SAWIRO).

Date:

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ee Dawladda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay furitaanka shir weynaha caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka (ICAO).

In ka badan 3000 oo ergo ah oo ka kala socda Dawladaha Xubnaha ka ah ICAO iyo wakiillo ururrada caalamiga ah ayaa ka qeybgalay furitaanka shirkan oo ah fadhiga 41-aad ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ICAO, kaa oo maanta ka furmay magaalada Montreal ee Dalka Canada , wuxuu soconaya 27 Sebt – 7 Oct, iyadoo looga hadlayo muddadaa qodobbo mudnaan u leh horumarinta,xiriirka, iskaashiga Hawada iyo saameynta COVID-19.

“ Soomaaliya oo ka mid ah dalalka codka ku leh ICAO , waxay shir weynahan uga faa’iideysanaysaa sii amba-qaadida horumarrada la boggaadiyay ee Duulista Hawada iyo iskaashiga caalamiga ah.” Wasiir Fardowsa ayaa sidaa sheegtay.

Xil. Fardowsa Cusmaan, ayaa sidoo kale xaqiijisay in shir weynaha lagu soo bandhi doono guulaha iyo dadaallada horumarin ee Soomaaliya ay ka gaartay Duulista Hawada , waxaa kalo ay kulan doceedyo la yeelan doontaa, wasiirrada , madaxa ICAO iyo ururrada ka qeybgalaya shirka , si looga miro-dhaliyo gaarista himilada Soomaaliya oo ka mid noqota dalalka ugu horumarsan duulimaadyada iyo maamulka Hawada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...