Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya XFS oo la kulmay dhiggiisa Masar

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Dalka Masar , Mudane Xasan Shehata.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Safiirka Dawladda Soomaaliya ee Dalka Masar ahna wakiilka Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar ayaa looga hadlay horumarinta iskaashiga labada dhinac , tabbabarka Shaqaalaha , is dhaafsiga khibrada iyo sida loo dardargelin lahaa is-afgarad ay labada wasaaradood gaaraan.

Wasiirka Shaqada ee Masar, Mudane Xasan Shehata ayaa ugu horrayntii uga mahadceliyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo wafdiga uu hoggaaminayo ka qeybgalka shirka 48aad ee Shaqada oo shalay ka furmay Qaahira, isagoo markaa xaqiijiyay inay ka go’antahay in la xoojiyo xiriirka si loo gaaro iskaashiga horumarin oo ku aaddan Shaqada.

Wasiir Biixi Iimaan Cige , ayaa dhankiisa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay ka go’tahay horumarinta Shaqaalaha , siyaasadaha Shaqada iyo xal u helida dhibaatooyinka Shaqada ee Dhallinyarada , isagoo markaa sheegay iskaashiga Masar inuu door weyn ka qaadanayo dadaalladaa , wuxuu markaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Dalka Masar.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Degmada Deyniile oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...