Booliska Mareykanka oo xiray Muwaadin Soomaaliyeed oo loo heysto in uu dil geystay

Date:

Ciidamada Booliiska Magaaladda Mankato ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen oo ay xireen Maxamed Bashiir oo loo heysto dembi la xiriira toogasho ka dhacday magaaladda Mankato ee gobolka Minnesota.

 

Bashiir Maxamed, oo 30 jir ah, ayaa la xiray, waxaana lagu xiray xabsiga degmadda Blue Earth. Weli faah faahin  dheerad ah maamulka booliisku kama ayna soo saarin xariga Bashiir, sida meesha laga qabtay iyo sida loo qabtay.

 

 

Maxamed Bashiir ayaa lagu eedaynayaa in uu toogtay nin ay is yaqaanaan oo ay guri wada joogeen. Dembiga toogashadda ee loo xiray Maxamed Bashiir ayaa dhacay maalintii Jimcaha 9-ka subaxnimo ka hor. Ninka uu toogtay Maxamed ayaa Isbitaalka loola cararay, isaga oo ay booliisku sheegeen in uu yahay dhaawac halis ah.

 

Dhawaan sidoo kale waxaa gudaha magaaloyin kamid ah dalka mareykanka dil loou geystay laba rag Soomaali ah, iyada oo dilkaas ay Booliska u xireen Haweeneey iyo Nin u dhashay dalka Mareykanka.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...