Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo La Kulmay Madaxweynaha Jubaland.

Date:

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kulanka oo looga hadlay gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda argagaxisada Al Shabaab.

Kulanka labada masuul ayaa diirada lagu saaray xaalada guud ee dalka gaar ahaan abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah gobolada Dalka, waxaa uu Madaxweyne Axmed Madoobe warbixin ka siiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka sidii Dalka loogu xorreyn lahaa Kooxaha xagjirka ah ee dhibaatada ba’an ku haya Ummadda Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...