Ciidanka XDS iyo dadka Deegaanka oo La wareegay degaano katirsan Gobolka Hiiraan

Date:

Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa xalay kooxaha argagixisada ah kala lawareegay deegaano dhowr ah oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.

Deegaanada Khawaarijta xalay laga saaray waxaa ka mid ah Xarar-lugoole iyo Fidow oo  dhaca Koofurta gobolka Hiiraan, waxaana jira khasaare xooggan oo ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ay gaarsiiyeen argagixisada .

Deegaanadaan ayaa kooxaha argagixisada ah waxaa ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah ee la daala dhacaya abaarta baahsan ee ka jirta dalka, waxaana guushaan ay timid markii bulshada deegaanka ay kaceen isla markaana ay ku dhiiradeen in ay ka hortagaan kooxaha argagixisada ah.

Howlgalo ka dhan ah Kooxdaan ayaa maalmiihii danbe si xoog ah uga socday deegaano katirsan gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...