Ciidanka XDS iyo dadka Deegaanka oo La wareegay degaano katirsan Gobolka Hiiraan

Date:

Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa xalay kooxaha argagixisada ah kala lawareegay deegaano dhowr ah oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.

Deegaanada Khawaarijta xalay laga saaray waxaa ka mid ah Xarar-lugoole iyo Fidow oo  dhaca Koofurta gobolka Hiiraan, waxaana jira khasaare xooggan oo ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ay gaarsiiyeen argagixisada .

Deegaanadaan ayaa kooxaha argagixisada ah waxaa ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah ee la daala dhacaya abaarta baahsan ee ka jirta dalka, waxaana guushaan ay timid markii bulshada deegaanka ay kaceen isla markaana ay ku dhiiradeen in ay ka hortagaan kooxaha argagixisada ah.

Howlgalo ka dhan ah Kooxdaan ayaa maalmiihii danbe si xoog ah uga socday deegaano katirsan gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...