Ra’iisul Wasaare Hamse oo kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo ayaa galabta kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka oo looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa hawsha gurmadka abaaraha, ayaa dowladdu waxa ay ku soo bandhigtay hawlihii la qabtay iyo gargaarkii la qaybiyay tan iyo markii la magacaabay Guddiga Qaran 17 bishii Agoosto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi ayaa sheegay in 23 Agoosto loo diray deeq dhan 26 tan oo cunto ah magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo Burde.

Sidoo kale, 25 Agoosto dowladdu waxay guddoonsiisay bulshada degmada Maxaas lacag dhan $75,000 oo loogu talo galay in lagu dayactiro ceelasha biyaha ee degmada ku yaala.

4 Sebtember waxaa loo diray deeq dhan 20 tan oo cunto ah
magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur.

Wasiirku waxa uu sheegay in la qabtay kulamo xiriir ah oo la xiriira gurmadka abaaraha iyo barnaamijyo wacyi-gelin ah.

Xubnaha ganacsatada oo ka hadlay kulanka ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan abaabulka bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha wax loogu qabanayo shacabka dhibaateeysan.

Ra’iisul Wasaare Xamse, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu iyada oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ay xoogga sii saari doonto dhammaan deegaannada abaartu aadka u saameysay si deg deg wax loogu qabto shacabka tabaaleysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Ciidanka Danab ee XDS oo daawooyin gaarsiiyey shacabka ku nool Balidoogle

-Ciidanka kumaandooska Danab XDS gaar ahaan ururka 161’aad ayaa...

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ka fuliyey deegano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururada 175-aad, guutada...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...