Madaxweynaha Hirshabeelle oo booqday xafadaha Magaalada Beledweyne

Date:

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maanta booqday xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee cusbitaalka guud ee Magaalada oo ay ka socotay dayactir kadib burbur kasoo gaaray qaraxyo horaantii bishii maarso ka dhacay Magaalada Beledweyne, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqday cusbitaal cusub oo dhismihiisa heer gabo gabo ah maraya oo laga hirgalinayo galbeedka Magaalada Beledweyne, kaas oo wax badan kusoo kordhin doona adeegyada caafimaad ee Magaalada.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn socod lug ah kusoo maray qeybo kamid xaafadaha Magaalada isagoo bulshada ugu baaqay inay adkeeyaan nabada iyo xasiloonida ayna la shaqeeyaan laamaha amniga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...