Wasiirka warfaafinta XFS Daa’uud Aways Jaamac oo khadka telefoonka kula hadlay Madaxa Qaranka ee Golaha Sare ee Warfaafinta Jamhuuriyadda Masar

Date:

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daa’uud Aways Jaamac ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxa Qaranka ee Golaha Sare ee Warfaafinta Jamhuuriyadda Masar Karam Gabar.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee xagga warbaahinta, wadashaqeynta iyo iskaashiga warbaahinta Carabta.

Madaxa Golaha Sare ee Warfaafinta dalka Masar Karam Gabar ayaa Wasiirka si gaar ah ugala hadley wadashaqeyn iyo iskaashi dhow oo dhex mara warbaahinta labada dal.

Waxaa kale oo labada dhinac is tusaaleeyeen muhimadda ay leedahay in warbaahinta waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay door ka qaataan wacyigelinta bulshada ee dhinacyada amniga, horumarka iyo tiknoloojiyadda.

Dowladda Masar ayaa horaantii 80-aadka gacan ka geysatey taageerada dhismaha Telefishankii Qaranka ee Somalia.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...