Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-October ee Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS qeybtooda Janaale ayaa howlgalo culus oo Argagixisada Al-Shabaab looga saarayo tuulooyinka Cabananey. Beeraha baay. Siigaale. Malable iyo Buulo aruundi oo dhamaantood hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka sameyay.
Ciidamada waxaa ay jab Xooggan gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii ku dhuumaaleysanayay tuulooyinka ay cagta mariyeen, sidoo kale waxaa ay gubeen doon ay Argagixisada u adeegsan-jirtay dhibaateynta shacabka labada dhinac ee wabiga kala daggan oo ay uga kala gudbi jireen.
Taliyaha Ururka 84-aad, guutada 14October Laba xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo Howlgalka hogaaminayay waxaa uu warbaahinta uxaqiijiyay howlgalka intuu socday inay ku guuleysteen soo saarista Miinooyin ay Nabad-diidka ku Aaseen waddo isku xirta deegaanada Buufow Bacaad iyo Janaale oo ay doonayeen inay shacabka ku gumaadaan.
Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goor kasta waxay utaaganyihiin badbaadinta Shacabkooda.