Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee golaha shacabka

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan labadiisa kuxigeen iyo habdhowrka golaha shacabka ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee golaha,waxaana kulanka warbixin looga dhageystay xubnaha guddiga joogtada ah oo faah faahin ka bixiyay howlaha horyaala iyo shaqooyinka gudi walba.

Sidoo kale habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in guddiyada golaha ay shaqooyinkooda dar dar geliyaan si loo dejiyo ajendayaasha golaha hortabinta u leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu dambeyn guddiyada kula dardaarmay in ay dadaal badan muujiyaan si loo dejiyo shuruucda dalka ee golaha shacabka looga baahanyahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...