Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeybgalaya madasha shirka caalamiga ee #TICAD8 waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Tunisia, Mudane Qays Saciid

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa waxa saaka madasha shirka caalamiga ee #TICAD8 ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Tunisia, Mudane Qays Saciid, oo martigelinaya shirka oo si rasmi ah maanta uga furmay caasimadda Tunis.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ka qaybgalaya shirka waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Caalamiga, Dr Hodan Osman, Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Fadumo Cabdi Cali, iyo Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada, Farhan Jimale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...