Kullan ciyaareed kubadda cagta ah oo lagu soo dhoweynayay, looguna hambalyaynaayay wasiirka cusub ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS oo lagu qabtay magaalada Istanbul

Date:

Kullan ciyaareed kubadda cagta ah oo lagu soo dhoweynaayay, looguna hambalyaynaayay wasiirka cusub ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee XFS, mudane Xildhibaan Mohamed Bare Mohamud ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ciyaarta ayaa waxaa ka qeyb galay Laba koox oo isugu jirta Wariyayaal, Fannaaniin, Ganacsato, Siyaasiyiin iyo dhalinyarada caan ka ah baraha bulshada.

Qaar kamid ah ciyaartoydii kullanka ka qeybgalay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u hambalyeeyay Wasiir Maxamed Barre Maxamuud, iyagoo ugu baaqay in uu ka shaqeeyo Midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir/ Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa kamid ah Wasiirada cusub ee dhowaan uu magacaabay Ra’isul Wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre, isla markaana ay ansxiyeen Golaha Shacabka ee BFS, isagoo noqonaya Wasiirkii u horreeyay ee dhallinyaro ah oo loo magacaabo Wasaaradaan, waxaana laga rajeynayaa in heer sarre uu gaarsiiyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS oo muhiim u ah wasaaradaha dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Addis Abab kulan ku yeeshay

El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga CaalimiganMudane Abdisalam Cali, ayaa...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...