Kulan Looga arinsanayay Xalka Abaaraha Gobolka Oo Lagu Qabtay Galkacyo.

Date:

Kulanka looga arimsanayay xaalada abaaraha iyo gaarsiinta deeqaha dadka ay abaartu ku saameeysay deegaanada hoostaga dagmada Galkacyo ayaa maanta lagu qabtay xarunta dowlada hoose ee dagmada Galkacyo

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Maxamed Cabdi Cilmi ayaa maantay shir gudoomiyay kulan laysaga xog wareysanayay abaaraha iyo xaaladaha ka jira deegaanada hoos yimaada Degmada Gaalkacyo.

Kulankaan oo inta badan ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyasha deegaanada iyo tuulooyinka hoos taga Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa looga dhageystay warbixino la xariira xaalada abaaraha xiligaan adeg ka jira deegaanada ay matalaan isla markaana ay ka yimaadeen

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo Eng Maxamed Cabdi Cilmi ayaa markii uu kulanku soo idlaaday ka warbixiyay kulanka iyo qodabadii layska warsaday waxaana uu baaq u diray Dowlada Fadaraalka soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka taas oo ku aadan in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaanada hoos yimaada Degmada Gaalkacyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...