Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Wasiiro katirsan Maamulada Jubnbaland iyo KGS

Date:

Muqdisho, Luulyo 31, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada iyo Dowlad Goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Wasiir Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo Wasiir Maxamed Warsame Darwiish.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Labada Marxuum ay door muuqda ka soo qaateen geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan  deegaannada Dowlad Goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland oo ay ka kala ahaayeen Wasiirka Caddaaladda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Wasiir Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo Wasiir Maxamed Warsame Darwiish, waxa ay ka mid ahaayeen masuuliyiinta  doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed ee deegaannada Koonfur-galbeed, Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Labada Marxuum Alle u weydiiyey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaskooda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...