Tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo laga soo baadbiyay badda dalka Talyaaniga

Date:

Muqdisho. 25, 2022:Ku dhawaad 1,200 oo muhaajiriin ah oo aan heysan wax sharci ah ayaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray dalka Talyaaniga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Muhaajiriintan oo ka kala yimid dalal dhowr ah oo ku yaalla Asia, Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa ka degay dekado ku yaalla xeebaha Sicily.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 674 qof laga soo badbaadiyay xeebaha Calabria halka ay badda kasoo saareen 5 meyd ah.

Muhaajiriinta ayaa ku safrayay mid kamid ah doomaha kalluumeysiga taas oo la saaray dadka ka badan xaddiggii loogu talagalay.

Dadkan lasoo badbaadiyay waxay kamid ah tahriibayaal kasoo jeedo Soomaaliya. Afghanistaan, Suudaan iyo Itoobiya.

Waxaa sidoo kale xeebaha Lampadusa sabtidii la geeyay dad gaaraya 552 qof oo laga soo badbaadiyay ilaa 15 doomood.

Doomahan ayaa kasoo dhaqaaqay xeebaha dalalka Tunisia iyo Libya, Lampadusa waxaa ku taalla mid kamid dekedaha ugu muhiimsan ay kasoo degaan dadka isku dayaya inay galaan Yurub.

 

BBC Xigasho

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa South Africa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Xarunta...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...