Madaxweynaha Jamuuriyada Jabouti oo Billad Sharafta ugu sarraysa dalkaasi guddoonsiiyey Xalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .

Date:

Muqdisho-Luulyo 17 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa caawa ka qeybgalay casho sharaf si heersare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Jabuuti oo uu ku maamuusay Madaxweynaha dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa intii ay socotay casho sharafta waxaa uu billad sharafta ugu sarreysa ee ay bixiso Dowladda Jabuuti guddoonsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku mutaystay kaalintiisa xoojinta xiriirka facawayn ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxwaynaha iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti billad sharafta la guddoonsiiyay iyo martiqaadka heerka sare ah ee loo fidiyay, waxa uuna tilmaamay in booqashadan ay billow wanaagsan u tahay sidii loo hormarin lahaa xiriirka qotodadheer ee labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka...

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka oo sheegay in dib loo billaabay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, Cabdikariin...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) oo kaashanaysa Sanduuqa Carruurta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey shirka 2-aad ee cimilada Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...