Muqdisho-16-7-2022-:Ku simaha Guddoomiyaha ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Gobolka Mudug dhanka maamulka puntland Xasan Cabdulaahi Warsame ayaa Guddi Baaris ah umagacaabay dhacdadii dhawaan ka dhacday Saldhiga Cirka oo ay ku xirnaayeen qaar kamida Maxaabiista Argagixisada Al-shabaab kuwas oo ka baxsaday halkaas.
Maxaabiista baxsatay ayaa gaarayey ilaa tudaba maxbuus kuwaas oo afar kamid ah gacanta lagu dhigay halka sadax kale wali aan la qaban.
Xubnaha la magacaaby ayaa kala ah
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka mudug dhanka puntland Maxamed Hassan waloore,Maxamuud abdi Nuur duqa gaalkacyo,taliyaha xabsiga dhexe ee gobolka mudug,xeerilaaliyaha gobolka mudug,Ku xigeenka C.I.D gobolka mudug iyo Taliyaha Nabad sugida Gobolka mudug dhanka puntland.
Warqadaan waxaa lagu faray Taliyaha Booliska gobolka mudug iyo taliyaha saldhiga cirka oo ay maxaabista ka baxsadeen ayaa la faray inay guddigaan baarista u fududeeyaan .