[SAWIRO)Madaxweynaha Galmudug oo bulshada Baxdo u sheegay in dagaalka Al-shabaab ka gacan siin donaan

Date:

MUQDISHO-10-7-2022-:Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo kusugan degmada Baxdo ayaa la kulmay bulshada qeybaheda kala duwan, oo ay kamid ahaayeen Culimada, wax garadka iyo haweenka.

 

Madaxweynaha ayaa ku dhiiri galiyay bulshada Baxdo sida ay iskaga difaaceen kooxdii argagixisada ahayd ee duullaanka qaawan ku soo qaaday deegaanka, waxuuna si gaar ah ugu amaanay sida naf hurnimada leh ay isaga difaaceen argagixisada.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale mid mid u dhagaystay bulshada degmada Baxdo, kana waraystay baahiyaha ka jira deegaanka, sidoo kalana u balan qaaday in si gaar ah loo garab istaagi doono, isagoona madaxweynuhu ugu baaqay guud ahaan shacabka deegaanada Galmudug inay u istagaan ka hortagga falalka gurracan ee kooxda argagixisada ku hayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...