[SAWIRO)Madaxweynaha Galmudug oo bulshada Baxdo u sheegay in dagaalka Al-shabaab ka gacan siin donaan

Date:

MUQDISHO-10-7-2022-:Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo kusugan degmada Baxdo ayaa la kulmay bulshada qeybaheda kala duwan, oo ay kamid ahaayeen Culimada, wax garadka iyo haweenka.

 

Madaxweynaha ayaa ku dhiiri galiyay bulshada Baxdo sida ay iskaga difaaceen kooxdii argagixisada ahayd ee duullaanka qaawan ku soo qaaday deegaanka, waxuuna si gaar ah ugu amaanay sida naf hurnimada leh ay isaga difaaceen argagixisada.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale mid mid u dhagaystay bulshada degmada Baxdo, kana waraystay baahiyaha ka jira deegaanka, sidoo kalana u balan qaaday in si gaar ah loo garab istaagi doono, isagoona madaxweynuhu ugu baaqay guud ahaan shacabka deegaanada Galmudug inay u istagaan ka hortagga falalka gurracan ee kooxda argagixisada ku hayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- After more than half a century, the Somali...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Muddo ka badan nus qarni kadib , shacabka...

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf,...

Baarlamaanka Carabta oo soo dhaweeyay doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mudane Maxamed bin Axmed Al-Yamaaxi, ayaa...