Madaxweyne Laftagareen oo dib ugu laabtay Baydhaba.

Date:

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel-gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Garoonka Diyaaradaha Wafdiga Madaxeynaha waxaa ku soo dhoweyey Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Baay, Kan Degmada Baydhabo, Odeyaasha Dhaqanka iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada.

 

Madaxweyne Laftagareen Ayaa maalmihii Lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, Wuxuuna Dib ugu Laabashadiisa Baydhaba uu ka sheegay inuu Madaxda Dalka Iyo Hay’adaha Caalamiga ah kula Kula Hadlay Sidii Loogu Gurman Lahaa Dadka aay Abaaruhu ku saameeyeen Deegaanada Maamulkaasi.

 

“Waxaan Dadaal iyo waqti badan ku bixinaynaa Sidii aan Gurmad walaalnimo Ugu Fidin lahayn Dadkeena aay Collaadu Saameesay” Ayuu Yiri Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

 

 

 

 

 

 

Mohamed Abdikadir Silver
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...