Madaxweyne Laftagareen oo dib ugu laabtay Baydhaba.

Date:

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel-gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Garoonka Diyaaradaha Wafdiga Madaxeynaha waxaa ku soo dhoweyey Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Baay, Kan Degmada Baydhabo, Odeyaasha Dhaqanka iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada.

 

Madaxweyne Laftagareen Ayaa maalmihii Lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, Wuxuuna Dib ugu Laabashadiisa Baydhaba uu ka sheegay inuu Madaxda Dalka Iyo Hay’adaha Caalamiga ah kula Kula Hadlay Sidii Loogu Gurman Lahaa Dadka aay Abaaruhu ku saameeyeen Deegaanada Maamulkaasi.

 

“Waxaan Dadaal iyo waqti badan ku bixinaynaa Sidii aan Gurmad walaalnimo Ugu Fidin lahayn Dadkeena aay Collaadu Saameesay” Ayuu Yiri Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

 

 

 

 

 

 

Mohamed Abdikadir Silver
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku...