RW Xamse oo ka qeybgalay munaasabad ay soo qaban qaabiyeen Aqoonyahano wax ku soo bartay Malaysia.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka SoomaaliyaMudane Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen aqoonyahanno wax ku soo bartay dalka Malaysia oo ay ku jiraan mudaneyaal ka tirsan BFS, taas oo lagu soo dhaweynayay magacaabistii iyo kalsooni siintii Baarlamaanka ee Ra’iisul Wasaaraha.

Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ka soo baxay Jaamacadaha ku yaal dalka Malaysia. Ujeedka munaasabada ayaa ahaa soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo kamid ah aqoonyahanadda wax ku soo bartay dalka Malaysia.

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabada ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in Shacabkeennu gaajo iyo harraad u dhintaan iyadoo ay biyaha webiyadu u muuqdaan, dalka intiisa badanna la isugu safro diyaarado sababo ammaan dartood, taas oo dowladda iyo shacabkaba uga baahan isbaddel dhab ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...

Ololaha urrurada siyaasada ee doorashada deegaanka oo ka bilaabmay Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho iyo ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan ayaa...