DAAWO:Guddoomiyaha golaha shacabka oo ubax dhigay taalada dhagaxtuur.

Date:

Muqdisho-26 JUNE 2022:Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa munaasabadda 26-juun awgeed ubax dhigay taalada dhagax-tuur, oo ka mid ah halgamayaashii Soomaaliyeed, waxaana uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ay goobjoog ahaayeen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Guddoomiyaha Gobolka Banadir, iyo gudiga qaban-qaabada munaasabadda.
Guddoomiyaha ayaa markale 62 sano ka dib ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay halgankii dheera ee loo soo maray gobonimo doonkii dalka looga xorreeyey gumeystihii heystay gobolada waqooyi ee dalkenna, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed labada gobol ugu baaqay is jaceyl iyo in markale dib loo midoobo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...