Dablay hubaysan oo 55 qof ku dilay woqooyiga dalka Burkina Faso

Date:

MUQDISHO-JUUN-14-6-2022-:Masuuliyiinta dalka Burkina Faso ayaa Isniintii maanta ahayd sheegay in dablay hubaysani ay woqooyiga dalkaas ku dileen illaa 55 qof, ka dib weeraro iyo rabshado beryahan ka dhacayey dalkan ku yaalla Galbeedka Afrika, taas oo loo aanaynayo inay ka dambeeyaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee halkaas ka dagaalama.

 

Afhayeen u hadlay dawladda ayaa sheegay in dableyda weerarka geysatay ay bartilmaameedsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Seytenga ee ku taalla gobolka Sano.

 

Inkasta oo aanay jirin koox sheegatay weerarka lagu dilay 55-ka qof, haddana waxaa la aaminsan yahay in dableyda weerarka geystay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama gobolkan gaar ahaan kuwa xidhiidhka la leh ururada Al-Qaacida iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo beryahan ugu dambeeyey weeraro joogto ah ka geysanayey dalka Burkina Faso.

 

Tusaale ahaan weerar ka dhacay magaalada Solhan bishii June ee sannadkii 2021, waxaa kooxaha jihaadiyiintu ay ku dileen ugu yaraan 160 qof.

 

Bishii January ee sannadkan ayay ahayd markii ciidamo gadoodsani ay xilka ka tuureen madaxweynihii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay, waxaana ciidamada xilka la wareegay ay sheegeen inay wax ka qabanayaan ammaanka sii xumaanaya hase ahaatee rabshadaha ka jira dalkaas ayaa sii kordhay, waxaana dawladdu ay haatan codsanaysaa in loo midoobo kooxaha nabad-diidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...