Puntland oo go’aano adag ka soo saartay Amniga Caasimada Puntland Ee Garowe.

Date:

Garowe 12 JUNE 2022: Gudiga Amniga Gobolka Nugaal Iyo Gudiga Sare Ee Amniga Puntland Oo Go’aamo Adag Ka Soo Saaray Amniga Caasimada Puntland Ee Garowe.

Shirkan ayaa waxaa shir gudominayay Gudomiyaha Gobolka Nugaal waxana ka qayb galay Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha,Wasiir Ku Xigeenka Amniga,Taliyaha Booliska Puntland,Taliyaha Qaybta Nugaal,Taliyaha Madaxtoyada,Duqa Degmadda,Sarakiisha Hay’adda Nabad Sugida Iyo Sarakiil Kale.

Taliyaha Qaybta Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in howl galo lagu xaqiijinayo amniga laga sameyn doono Garowe isagoona sido kale bulshada ugu baaqay inay bulshadu la shaqeyaan ciidamada amaanka sugaya.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in la mamnuucay askari aan shaqo ku jirin oo hub Magaladda la dhex maraya isagoona xusay in ciidamadu soo qaban doonan.

G/Sare Xussen Cali ayaa dhan kale ciidamada sugaya amaanka faray in bulshada loo dhimriyo si anshaxaysana loola dhaqmo isagoona dhan kale bulshada markale ugu baaqay inay ciidamada u fududeyaan shaqoyinka ay qabanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...