Puntland oo go’aano adag ka soo saartay Amniga Caasimada Puntland Ee Garowe.

Date:

Garowe 12 JUNE 2022: Gudiga Amniga Gobolka Nugaal Iyo Gudiga Sare Ee Amniga Puntland Oo Go’aamo Adag Ka Soo Saaray Amniga Caasimada Puntland Ee Garowe.

Shirkan ayaa waxaa shir gudominayay Gudomiyaha Gobolka Nugaal waxana ka qayb galay Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha,Wasiir Ku Xigeenka Amniga,Taliyaha Booliska Puntland,Taliyaha Qaybta Nugaal,Taliyaha Madaxtoyada,Duqa Degmadda,Sarakiisha Hay’adda Nabad Sugida Iyo Sarakiil Kale.

Taliyaha Qaybta Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in howl galo lagu xaqiijinayo amniga laga sameyn doono Garowe isagoona sido kale bulshada ugu baaqay inay bulshadu la shaqeyaan ciidamada amaanka sugaya.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in la mamnuucay askari aan shaqo ku jirin oo hub Magaladda la dhex maraya isagoona xusay in ciidamadu soo qaban doonan.

G/Sare Xussen Cali ayaa dhan kale ciidamada sugaya amaanka faray in bulshada loo dhimriyo si anshaxaysana loola dhaqmo isagoona dhan kale bulshada markale ugu baaqay inay ciidamada u fududeyaan shaqoyinka ay qabanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka...