ERGEYGA GAARKA AH EE ARRIMAHA BANIโ€™AADANNIMADA IYO GURMADKA ABAARAHA, OO KULAN LA QAATAY, AMBASSADOR PER LINDGARDE..

Date:

Muqdisho June 08, 2022– Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Ambassador Per Lindgarde.

Danjire Lindgarde, ayaa muujiyay sida dowladda Sweden ugu heellanyahay garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan gacan-ka-geysiga gurmadka arrimaha biniโ€™aadminimada ee xilligaan baahida daran loo qabo.

Safiirka ayaa sheegay in dhaqaalo ka badan 250 milyan oo sanadle ah ay Sweden ku bixiso taageerada kala duwan ee Soomaaliya isagoo tilmaamay, baahida loo qabo muuqashada dowrka hoggaamineed ee Dowladda Soomaaliyeed looga baahanyahay marka laga hadlaayo jiheynta, fududeynta iyo guud ahaan kala shaqeynta Midowga Yurub iyo hayโ€™adaha kaleba, howlaha dib u dhiska iyo gargaarka.

Sweden oo ka mid shanta dowladood ee deeqda ugu badan siiya Soomaaliya, ayuu Ergaygu uga mahad celiyay tageeradaas baaxadda leh, isaga oo sidoo kale ka codsaday in xaaladda adag ee abaaraha ay kaga qeyb qaataan u qareemidda iyo u baaqa dowladda iyo shacabka Sweden iyo sidoo kale waddamada kale ee Midowga Yurub.

Danjire Per Lindgarde, oo ka warramayay xiriirka Soomaaliya iyo Sweden ayaa sheegay in Stockholm ay garab taagantahay Muqdisho isagoo sidoo kale sheegay in Soomaalida-Iswiidhan oo gaaraysa 100,000 ( boqol kun) ay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka abaaraha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...