ERGEYGA GAARKA AH EE ARRIMAHA BANI’AADANNIMADA IYO GURMADKA ABAARAHA, OO KULAN LA QAATAY, AMBASSADOR PER LINDGARDE..

Date:

Muqdisho June 08, 2022– Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Ambassador Per Lindgarde.

Danjire Lindgarde, ayaa muujiyay sida dowladda Sweden ugu heellanyahay garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan gacan-ka-geysiga gurmadka arrimaha bini’aadminimada ee xilligaan baahida daran loo qabo.

Safiirka ayaa sheegay in dhaqaalo ka badan 250 milyan oo sanadle ah ay Sweden ku bixiso taageerada kala duwan ee Soomaaliya isagoo tilmaamay, baahida loo qabo muuqashada dowrka hoggaamineed ee Dowladda Soomaaliyeed looga baahanyahay marka laga hadlaayo jiheynta, fududeynta iyo guud ahaan kala shaqeynta Midowga Yurub iyo hay’adaha kaleba, howlaha dib u dhiska iyo gargaarka.

Sweden oo ka mid shanta dowladood ee deeqda ugu badan siiya Soomaaliya, ayuu Ergaygu uga mahad celiyay tageeradaas baaxadda leh, isaga oo sidoo kale ka codsaday in xaaladda adag ee abaaraha ay kaga qeyb qaataan u qareemidda iyo u baaqa dowladda iyo shacabka Sweden iyo sidoo kale waddamada kale ee Midowga Yurub.

Danjire Per Lindgarde, oo ka warramayay xiriirka Soomaaliya iyo Sweden ayaa sheegay in Stockholm ay garab taagantahay Muqdisho isagoo sidoo kale sheegay in Soomaalida-Iswiidhan oo gaaraysa 100,000 ( boqol kun) ay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka abaaraha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...