Madaxweynaha Koonfur galbeed oo Maamul cusub u Magacaabay Gobolada Baay iyo Bakool.

Date:

Muqdisho-Juun-8-6-2022:Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maamulo cusub u Kala magacaabay Goboladda Baay iyo Bakool ee DGKGS.

Madaxweyne Lafti gareen ayaa Guddoomiyaha gobolka Baay u magacaabay Mudane Abdifitaax Mohamed Ibrahim.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xilalkii ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Bakool  Shiine Macalin Nuurow iyo ku Xigeenkiisa dhanka Amniga iyo Siyaasada isaga oo magacaabay maamul Cusub.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool ayaa loo Magacaabay Mudane Mohamed Abdi Mohamed Tall ,halka ku xigeenkiisa Amniga loo magacaabay Abdullahi Mohamed Nuur.

Waxaa ka warbixiyey  Magacaabistaan Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda DGKGS Mudane Mohamed Ali Ibrahim.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...