SAWIRRO:Safiirka waddanka Germany ee Itoobiya, wakiilka hay’adda UNHCR ee Itoobiya oo maanta gaaray Magaalada Jigjiga .

Date:

Madaxweynaha Dowladd deegaanka Gobolka Soomaalida Itoobiya , mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay maanta  masuuliyiin ay hoggaaminayaan safiirka waddanka Germany ee Itoobiya, Stephen Auer iyo wakiilka hay’adda UNHCR ee Itoobiya, Dr. Mamadou Dian Balde.

 

Kulankan ayaa lagaga wada-xoojooday xaaladda guud ee Deegaanka, gaar ahaan marxaladihii adkaa ee ay ka soo gudbeen shacabku, kuwa hadda taagan ee ubaahan in la xakameeyo iyo qaabka loo xoojin karo iskaashiga guud ee hay’adaha deeq-bixiyayaasha.

 

Madaxweyne Mustafe ayaa xusay in maaddaama barakacayaal badan ay ku nool yihiin Deegaanka Soomaalida ay muhiim tahay in nolol deggan loo sameeyo, taasina ay kala kaashanayaan hay’adaha Qarammada Midoobay iyo waddammada caalamka.

 

Masuuliyiinta ayaa maanta booqan doona barakacayaasha Qolloji si ay usoo darsaan xaaladdooda, wafdigani ayaana hordhac u ah safiirro iyo masuuliyiin maalinta bari ah ku soo wajahan Jig-jiga; kuwaasi oo ujeeddada imaatinkoodu ku qotomo kaliya barakacayaasha iyo dib-u-dejintooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...